Aisha Afrah is a broadcast journalist at BBC World Service, she is a poet and a short fiction writer. Aisha has an M.A. in African Literature from  SOAS University. Her interests include translation and multilingualism within the Somali territories. Her poetry explores themes such as home, womanhood, being a refugee and self-love.

Aisha Afra, SOAS University of London

Dadka deegannada luuqadaha badan looga hadlo iyo dhulalka muhiimka ah: si hab cusub loogu diraaseeyo suugaanta aduunka ayaa la eegayaa hababaka faraha badan oo ay Suugaanda dunida u kala jabjabto iyadoo diiradda la saarayyo bulshooyinka ku hadla luuqadaha kala duwan.

Somali book fair

Image from Hargeysa International Bookfair: http://www.hargeysabookfair.com/hibf2018/

Dhulal ay ka mid yihiin Hindiya, Marooko iyo Geeska Africa ayaa lagu doortay dhaqamada iyo afafka kala duwan oo ay ku hadlaan ee qoran ama aan qorneyn kuwaasoo soo jiray gumeysiga ka hor. Sidoo kale, Dhulalka kor ku xusan waxaa lagu doortay raýigooda ku saabsab gumeysiga iyo qarannimadaba. Mashruucan ayaa diirada saari doona sedex xilli: xoogeysigii gumeysiga, xorriyyad doonka iyo caalamiyeynta hadda taagan. waxaa mashruuca lagu sahmin doonaa xiriirka ka dhexeeya caada dhaqameydyada, doodaha maxalliga ah ee suugaanta caalamka, qaababkii hore iyo kuwa cusub ee ku hadalka  luuqado kala duwan iyo sidoo kale jilaayaasha iyo tiknoolojiyadda daabacaadda.

Barnaamijaka Dadka Luuqadaha badan ku hadla iyo Muhiimadda Deegannadooda ee loo soo gaabiyo (MULOSIGE) waxay ujeedadiisu noqodoontaa inuu ka hortaggo u aqoonsiga ama la xariirinta suugaanta caalamka luuqadda Ingriiska oo kaliya iyadoo hoosta laga xariiqayyo ku hadalka luuqadaha badan iyo waxyaabaha ka gacan siiya heerarka gobol ilaa iyo mid caalami ah deegaannada suugaanta. Halkii la mala’waali lahaa ama lakala saari lahaa, mashuuracan waxa uu ku howlanaan doonaan isbadallada ku haboonaanta iyo hal-abuurnimada.

Inta aan ognahay, ma jiro isku xirnaan suugaaneed oo ka dhexeysa Woqooyiga Hindiya, Marooko iyo Itoobiya xilligan casriga ah, hadaba kani ma noqon doono barnaamij ku saabsan isku xirnaanta goobahan balse wuxuu taasi bedelkeeda noqon doonaa is barbardhig suugaaneed. Is barbardhiggidda wexey caawineysaa ujeedada aan ku shaqeyneyno oo soo jeedineysa meel isla dhiggidda habka loo wajahayyo suugaanta dunida taasoo sii wanaajineysa habka aan u wajahno hadda kaasoo daboolayya dunida guud ahaan. Sidoo kale habkan cusub ayaa badali doona fududeysashada sheekooyinka waaweyn ee marin habaabinta ee xarumaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.

Somali book fair

Image from Hargeysa International Bookfair: http://www.hargeysabookfair.com/hibf2018/

Ka dhan ahaanta fahamka taariikheed ee ka dhigeysa ”Gobollada  caalamka” kaasoo kasoo baxay ”Nidaamka Aduunka” oo ay xaruntooda tahay Yurub, ayaa waxaa badaleysa, diraasad meeleysan oo diirada saareysa dadka deegannada luuqadaha badan looga hadlo si ay u sharraxdo in is dhexgalka dhaqamada kala duwan ay qoodeynta  ay ku wanaagsanyihiin soo saaridda siyaabo looga fikiri karo isbedellada suugaaneed iyo horumarradooda; xudunta ubucda aasaaska maamulkii gumeysiga waxay aheyd kaliya hal qaab oo baahinayo suusaanta Yurub sidoo kale waxay aheyd mid ku lamaaneysneyd aasaaskaasi.

Hadafka barnaamijkan waa in la sameeyaa faragelin ballaran oo dib loo qaabeeyaa heerka suugaanta dunida, lana soo jeediyo qaabab ama habab tababar iyo cilmi baarisyo si loogu xoojiyo sheegashada ah in diraaseynta ”Dadka kasoo jeeda deeganna luuqada badan lagag hadlo” iyo ”Muhiimadda deegaannadaasi” ee kala duwan ay tahay habka ugu wanaagsan ee lagu baran karo suugaanta dunida iyadoo la eegayyo qeybaha kale ee caalamka oo ay Europe xataa ka mid tahay. Mashruucan wuxuu lahaan doonaa wadahaddallo istiraatijiyeysan oo dhex marta aqoonyahanno iyo qoraayaasha  reer SOAS ee ku takhasusayya dhulalkaasi iyo sidoo kale, aqoonyahanada kale ee ku sugan dalkan UK iyo qaaradan Yurubba.

.